Hay’ad uu Guddoomiye Ka Yahay Nin Ajnabi Ah oo Laga Mamnuucay Ka Shaqaynta Soomaaliya

0
60

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan Soomaaliya laga mamnuucay Hay’add lagu Magacaabo Sahan ,taasoo ka shaqeysa Cilmi baarista,islamarkaana  uu Madax ka yahay  Matt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group.

Waxyaabaha ugu weyn ee dalka looga mamuucay ayaa waxaa qeyb ka ah in ay Soomaaliya ka gudbin jirtay xoggo aan sax aheyn,taasoo in badan ay baaris ku waday Wasaaradda Amniga ee dowladda Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay  in hey’adda Sahan Research laga joojiyay, lagana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ay ka waday dalka, sababo la xiriira amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.

Matt Bryden oo ah nin aad uga faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa dalka ka ceyriyay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif sanadkii 2012 ka dib markii uu soo saaray  warbixin muran badan dhalisay oo Madaxdii hore ee dalka lagu eedeeyay inay musuq maasuq ku lug leeyihiin, hantiddana ay dhigtaan Bangiyo gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here