Deegaan ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Daacish oo la duqeeyay

0
86

Diyaarado dagaal ayaa la sheegayaa in ay duqemo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Buurahaha Gobalka Bari ee maamulka Puntiland halkaasi oo ay ku sugan yihiin dagaallamayaan ka tirsan kooxaha argagaxisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Duqeynta ayaa la sheegay in ay ka dhaday deegaanka Miraalle oo 28-km dhanka Bari uga beegan magaalada Boosaso ee Gobalka Bari.

Saraakiil ka tirsan Maamulka puntland ayaa sheegay in duqaynta lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, iyaga oo intaaa raaciyay in uu jiro qasaare soo gaaray shaqsiyaad argagaxisada ka tirsan.

Inta ogyahay 8 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku geeryooday,kadib duqeyn ka dhacay deegaanka Miraalle oo Shabaabku dhawaan ay kula wareegeen dagaal ay kula galeen kooxda daacish.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here