Dawladda Soomaaliya oo Ka Hadashay Kenya Airways Oo Bilaawdady Duulimaadka Muqdisho Iyo Nairobi

0
80

War qoraal ah oo lasoo dhigay page-ka Facebook ay ku leedahay wasaardda ayaa lagu yiri, ” Waxaa si rasmi ah u furmay maanta 18/12/2018 duulimaadyada Kenya Airways ee dalaka Kenya iyo Somalia”

Kenya Airways oo maanta billaawday duullimaadkeeda Muqdisho iyo Nairobi ayaa maalinle isaga kala gooshaysa labada caasimadood.

Kenya Airways ayaa noqonaysa Shirkaddii sedaxaad ee Duulimmaad Caalami ah ku timaada Muqdisho, arrintaas oo fududaynaysa socdaalka mawaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaq-dhaqaaqa ganacsiga.

Horay waxaa dalka duullimaad ugu imaanayay Turkish Airways iyo Ethiopian airways, waxaana sannadka soo socda la filayaa in ay iayana Muqdisho shaqo ka billaawdo diyaaradda Qatar.