Mawaadiniin Soomaaliyeed Oo Loo Xiray Dawooyinka Dumarku Isku Qurxiyaan Oo Ay Sharci Darro Ku Geynayeen Dal Carbeed

0
77

habakadda Wararka ee Yoom Sabca ee  dalka Masar ayaa qortay in Muwaadin Soomaali ah lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Burg Al-carab International Airport oo 40-KM dhanka K/Galbeed kaga toosan magaalladda Labaad ee ugu weyn dalka Masar ee Aleskandariya.

Muwaadinka Soomaalida oo magaciisa lagu soo koobay C.C.G waxaa lagu eedeeyey inuu doonayey inuu si qarsoodi ah Masar ku geliyo tiro ka mid ah dawaooyinka Kiimikadda ee ay Haweenka isku qurxiyaan iyo qalab kale.

Saraakiisha Kontoroolka Canshuuraha ee Garoonka Borg Al-arab ee magaalladda Aleskandariya waxay alaabta Kontorobaanka ee lagu qabtay Muwaadinka Soomaalida ku qiimeeyeen lacag dhan 57,000 oo Lacagta Geniga Masar.

Muwaadinka Soomaalida ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa Rakaab la socday Diyaaradda Shirkadda  Diyaraadaha ee Arabiya Airlines, oo tirsiga Duullimaadkeeda ahaa 104,  taasi oo ka timid magaalladda Bergamo ee dalka Talyaaniga.

lo ku dhow Saraakiisha Qeybta Canshuuraha ama Kastamka ee Garoonka  ayaa sheegay inay Muwaadinka Soomaalida weydiiyeen haddii uu wato wax xamuul ama Daawooyin ah, waxa uu sheegay inuusan waxba wadanin, balse, markii Shandadii uu watay la marsiiyey Makiinadaha X-Ray ee lagu ogaado  waxyaabaha ku jira Boorsooyinka Rakaabka ayaa lagu ogaaday inuu waxyaabo Kontorobaan ah ku soo dhex qariyey dharkii ku jiray Shandadii uu watay.

Waxyaabaha laga helay Shandada ayaa lagu sheegay inay ahaayeen 265 shay oo u badnaa waxyaabaha ay Haweenka isku qurxiyaan, ida Rinjiga ciddiyaha ay marsadaan, kuwa la mariyo Suniyaha iyo Kareemooyin iyo Boodhar ama Bolbiraha ay Haweenka isticmaalaan iyo alaabo kale.

Saraakiisha Kastamka Garoonkaasi waxay Saxaafadda u soo bandhigeen dhamaan Qalabkii lagu qabtay Muwaadinka Soomaalida, waxayna Saraakiishu sheegeen inay Alaabahaasi yihiin kuwo Kontorobaan ah oo ka hor imaanaya Sharciga Ganacsiga ee dalka Masar.

Si kastaba ha ahaatee, Qabashadaasi ayaa ku soo beegantay iyadoo Madaxa Hay’adda Canshuuraha ee dalka Masar, Kamaal Najam iyo Madaxa Waxada Hawlgalladda Canshuuraha ee dalka Masar ku baaqeen in la adkeeyo Kontoroolka looga hortagayo waxyaabaha sida qarsoodiga looga soo gudbiyo Garoomadda diyaaradaha ee Masar.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here