Wasiir Cusub Oo Loo Magacaabay Wasaaradii Uu Iska Calisay C/Fitaax Geeseey

0
70

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Cabdi Aadan Hoosow oo horay u soo noqday Gudoomiyihii Gobolka Baay wuxuu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadiisa.

Magacaabista Hoosow ayaa timid ka dib markii shalay ku dhawaaqay in uu  iscasilay Cabdifitaax Ibraahim Geesay oo ahaa Wasiirkii Howlaha Guud, isagoona sabab uga dhigay shaqo ka tagistiisa in dowladda Soomaaliya ay faragalin ku heyso maamulka Koonfur Galbeed.

Magaacista Cabdi Aadan ayaa imaneysa xilli Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo ku xigeenkiisa labada ay dalka ka maqan yihiin.

Intii xukuumadda Kheyre ay shaqeyneysay Wasaaradda Howlaha Guud waxaa isu daba maray dhow Wasiir oo midkood Askari uu ku dilay meel aan ka fogeyn Madaxtooyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here