Soomaaliya Oo Gaartay Go’aan Lid Ku Ah Go’aankii Madxweynaha Mareykanka

0
81

Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa dib ugu soo noqday dalka ka dib markii uu Turkiga uga kaga qeyb galay shir looga hadlayay caasimadda Qudus iyo arrimaha Falastiiin.

Shirkaasi ayaa loogu magacdaray “Masjidul Qudus” waxaa ka qeyb galayay madax ka socotay wadamo badan oo dunida Muslimka ka mid ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi C/llaahi iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Labadiisa ku-xigeen iyo xubno ka tirsan Golahiisa.

Mar uu si kooban uga warbixiyay arrimihii looga hadlay shirkii uu uga qeyb galay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in la isku afgartay in meesha laga sii amba qaado qodobadii muhiimka ahaa ee shirka ka soo baxay.

Dhinaca kale Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare ayaa sheegay in Soomaaliya markasta ay taageersan tahay shacabka Falastiiniyiinta,islamarkaana ay caasimadda Falastiin u aqoonsan tahay magaaladda Qudus.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Qudus u aqoonsaday caasimada Yahuuda.

Waa shirkii labaad oo looga hadlayo arrimaha Falastiin ,waxaana soo qaban qaabiyay Baarlamaanka Turkiga,iyadoo ay ka qeyb galeen 70-Dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here