Ra’iisul Wasaare Khayre oo Magacabay Bedelka Cabdifitaax Geesay

0
89

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Cabdi Aadan Hoosow u magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u dhiska XFS.

Cabdi Aadan Hoosow oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobalka Baay ayaa xilkaan loo magacaabay kadib markii xildhibaan Cabdifitaax Geeseey uu shalay xilkaasi iska casilay.

Waa Markii ugu horeysay taariikhda oo wax ka yar 24 saac wasiir is casilay booskiisa lagu buuxiyo, arintaas oo muujinaysa in markii horaba Geesey xilka laga qaadi lahaa hadii uusan is casilin.

Xildhibaan Cabdifitaax Geesay ayaa shalay sheegay in uu xilka uga tegay xarigga lagula kacay hoggaamiye ku-xigeenkii hore ee kooxda Shabaab Muqtaar Roobow.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here