Daacish Oo Sheegatay In Xubno Shabaab Ah Ay Ku Dileen Gobalka Bari.

0
77

Ururka Daacish ayaa sheegay in ay Al-shabaab ka dileen 14 Dagaalame kadib Dagaal ay kula galeen Bariga  Soomaaliya, sida lagu daabacay Wargeeys mareeykanka kasoo baxa oo long war journal lagu magacaabo.

Daacish ayaa bil ka hor digniin u diray Al-shabaab taasi oo ku saabsaneeyd in ay la dagaalami doonaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen in ay ugaarsanayaan xubnaha Daacish ee ka howlgala Koofurta Soomaaliya.

“Shalay, Askarta Khilaafadda Islaamka waxay weerareen xubno ka tirsan Al-qaacidada Soomaaliya meel u dhow Qandala halkaas oo ay ku diyaarinayeen Weerar ka dhan Meelaha Daacish heeystaan” ayaa lagu sheegay War lagu qoray Wakaaladda Daacish Wararka u faafisa ee Amaq News.

Wakaladdu waxay intaas ku dartay in ay dileen “14 ka mid ah Al-shabaab kuwo kalena ay dhaawaceen hub iyo qalabna ka qabsaden”.

Wali ma jirto gudaha Soomaaliya cid Xaqiijisay Dagaalkaan ama Warbaaahin baahisay hase ahaatee Wargeeyska Long war journal ayaa sheegay in Sabtigii uu soo baxay War sheegaya in labada dhinac ay Puntland ku dagaalameen.

Waxaa jiray isku dhacyo aan weeyneeyn oo u dheeeyay Al-shabaab iyo Daacish, Al-shabaab ayaa horay waxay u gowraceen xubno ka tirsan Ururka Khilaafadda Islaamka la baxay ee uu hogaamiyo Abu-Bakar Al-Baqdaadi.

Dagaalkaan waxaa uu ka dambeeyay digniin ay daacish ku baahiyeen Warbaahinta Al-Nabba bishii lasoo dhaafay, wuxuuna ururku ka digay in Jawaabtoodu ay imaaneeyso.

Ururadda Daacish iyo Al-qaacidda waxay ku dagaalameen meelo badan tan iyo sanadkii 2014kii waxaa meelahaas ugu weeyn Siiriya iyo Yamen, sida uu sheegay Wargeeyska long war journal, hadda waxaa ay ku dagaalamayaan Soomaaliya.

“ Kasokoow Dagaalka Daacish ay Al-shabaab kula galeen Somaaliya, waa ay adagtahay in ay Soomaaliya Al-shabaab uga adkaadaan. Daacish si buuxda Soomaaliya ugama howlgalkaan Soomaaliya sida Al-shabaab” ayuu qoray Wargeeysku.

Si kastaba, hadii uu dagaalkaan sii socdo waxay keeni kartaa in Daaacish ay xubno badan ka qortaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here