Sidee loo baaraa loona xalliyaa dhibaatooyinka wal walka oo farxad ku helaa?

0
81

Nin la yiraahdo Galen Litchfield oo aan sanado badan aqaannay kana mid ahaa ganacsatada Mareykanka ee Bariga fog, waliba ganacsatada heerka ugu sarreeya ah ayaa dalka Shiinaha waxuu joogay Sannadkii 1942-kii markii Dalka Jabaan ay soo weerareen magaalada Shanghai. Waatanaa sidii uu iiga sheekeeyey mar uu marti iigu ahaa gurigayga.

Wax yar kadib markii Jabaanaysku ay qabsadeen dekedda Pearl Harbour ee Mareykanka, ayaa islamarkiiba waxa ay soo galeen magaalada Shanghai. Waxa aan xiligaa maamule ka ahaa Asia Life Insurance Company oo Magaalada Shanghai ku taalla.

Waxa ay iisoo magacaabeen nin jananada ciidanka kamid ah si aan ugu wareejiyo masuuliyadda hantidada shirkadda oo dhan. Xaaladdu meesha ay maraysay markaas wax waddo kale ah mahaysan aan ka ahayn in aan la shaqeeyo oo sameeyo sida la iga doonayo ama hadii kale—-hadii kale waa dhimasho cad.

Sidii la igu amray ayaa aan bilaabay in aan sameeyo, sababta oo ah waddo kale iima furna. Laakiin hal qol oo kaydka kamid ah ayaa waxaa ku jiray lacag dhan 750,000 oo doolar taas oo aan ka qariyey. Waxa aan uga qariyey sababta oo ah waxaa lahaa shirkaddayada qaybteeda Hong Kong mana ka mid ahayn hantidayada Shanghai. Waa isugu wada mid ee waxa aan ka cabsaday in xaalladu xumaan doonto hadii ay ogaadaan. Waana ogaadeen.

“Xafiiska waa aan kamaqnaa markii ay ogaadeen, laakiin madaxa xisaabaadka ayaa joogay. Isaga ayaa iisheegay oo yiri “ Markii uu jananku ogaaday arrintii aad samaysay waa uu carrooday, waa uu dhaartay waana uu caytamay, waxa uuna kugu tilmaamay khaa`in tuug ah waliba“.

Waa aan aqaanay sharciga ciidamada Jabaanayska, xabsi ayaa la igu tuurayaa.

Xabsiyadooda waa aan aqaana. Dad asxaabtayda ah ayaa lagu xiray. Qaarna waaba ku dhinteen toban bari markii lagu jir dilayay si war looga soo saaro.

Maxaa aan sameeyey? Warkii waa aan maqlay. Waxaa larabay in aan qaracmo oo argagaxo.Balse waa aan argagixi lahaa haddii aanan aqoon lahayn qaab sax ah oo dhibaatooyinka loo xaliyo. Muddo sanado ah markasta oo aan walwal la kulmaba, waxa aan samayn jiray in aan qoro labo su`aalood oo ku saabsan walwalkaas i haysta.

  1. Maxaa aan ka walwalayaa?
  2. Maxaa aan yeeli karaa?

Waaggii hore aniga oo aan qorin ayaa aan iswaydiin jiray. Balse kadib ayaa aan ogaaday in qorista kadib ay si fiican wax iigu kala cadaadaan.

Galabkii axadda ayaa aan qalin qaatay kadibna qoray su`aasha ah: Maxaa aan ka walwalayaa?

Waxa aan ka walwalayaa in xabsi berri la igu tuuro.

Kadib ayaa aan qoray su`aashii labaad, Maxaa aan ka yeeli karaa arintaan?

Saacado ayaa aan fakarayay oo aan qoray afar waddo oo ii furan oo kala ah:

  1. Waa aan isku dayi karaa in aan jananka sida wax u dhaceen u sheego, balse Ingiriis kuma uu hadlo, tarjumaankiisana waxaa laga yaabaa in uu wax isdaba mariyo. Taasina waa dhimasho haddii uu xaasid aad ah yahay haddii kalena xabsi ayaa la igalinayaa.
  2. Waa aan isku dayi karaa in aan fakado. Taasi macquul noqon mayso. Meel kasta waa ay iga raadinayaan. Waa la isoo qabanayaa waana la idilayaa markaas.
  3. Gurigaan iska joogi karaa aniga oo aan xafiiskaba aadin. Taasi shaki ayaa ay dhalin, askar ayaana la iisoo diri, taasina waxa ay keeni aniga oo aan erey la iga dhagaysan in xabsiga la igu tuuro.
  4. Xafiiskaygaan iska xaadirin karaa subaxa isniinta ee berri ah. Haddi aan sidaas sameeyo waxaa dhici karta in jananku uu aad u mashquulsanyahay oo uu iskaba illaawo waxii aan sameeyey. Xataa haddii uu xasuusto, waa uu dagay oo idhibi maayo. Xataa haddii uu idhibsado, waxa aan haystaa fursad ah in aan wax u sharxo. Markaas in aan xafiiska berri iska xaadiriyo oo aan iska dhigo in aanan waxba ogayn ayaa waxaa iiga muuqday labo fursadood oo aan xabsiga kaga badbaadi karo.
  5. Islamarkiiba markii aan sidaas ku fakaray oo go`aankaas afaraad aan gaaray waa aan qaboobay, istireex iyo dagganaan ayaan dareemay.

Subaxii xafiiska ayaa aan iska xaadiriyey. Janankiina waxba ima oran, lix asbuuc kadibna Jabaan ayaa uu aday oo dhibtiisii oo dhanba waa iga tagtay.

Sidii aan awalba kuu sheegayba, xaqiiqiyan subaxaas axadda ah ee aan fariistay kadibna aan qoray dhibaatooyinka ihaystay iyo waddooyinka aan qaadi karay ayaa noloshayda wax kabadan ka baddashay. Haddii aanan sidaas sameeyeen walaac ayaa iga badan lahaa axadda oo dhan,habeenkaasna maseexdeen. Subaxa isniintana xafiiska waxa aan latagi lahaa waji dhibaato iyo walwal kamuuqdo, taas kaliya ayaana shaki galin lahayd jananka, kuna dhiiro-galin lahayd in uu ficil igula kaco.

Khibradda ayaa ibartay waqtiba waqtiga kasii dambeeya iyo sida go`aamada loo qaato.

In uu qofku uu go`aan gaari waayo, oo iska dabo wareego isaga oo walwalsan, taas ayaa dadku ku waashaan noloshana ciqaab dadka uga dhigta. Waxa aan ogaaday in boqolkiiba konton walwalku baaba`aan marka qofku go`aan cad uu qaato, afartanka ku xigana waxa uu baaba`aa marka aan go`aankaas ku dhaqaaqo.

Sidaa darteed sagaashan boqolkiiba walwalkayga oo dhan afartaan tallaabo ayaa aan ku baabi`iyaa.

  1. In aan qoro waxa aan ka walwalayo.
  2. In aan qoro waxa aan ka yeelayo
  3. In aan go`aansado waxii aan yeeli lahaa
  4. In aan ku dhaqaaqo oo fuliyo go`aankaas

Sheekadaan waxa aan kasoo xigtay buugga How To Stop Worrying And Start Living ee uu qoray Dale Carnegie.

 

Qalinkii: Dr Jama Sahal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here