Madaxtooyada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Tirada Ciidanka Meleteriga Dalka

0
197

La taliyaha amniga ee Madaxweyne Farmaajo, Cabdi Siciid Muuse Cali ayaa sheegay in Ciidamada u diiwaangeshay Dowladda Soomaaliya ay gaarayaan 9,000 oo Askari.

Cabdi Siciid ayaa qoraal uu ku qoray boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Dowladda Federaalka ah ay horumar ka sameysay dhimaca amaanka iyo dhismaha Ciidamada Xoogga Dalka.

Waxaa uu sheegay in sagaalka kun ee Askari ay yihiin kuwo diiiwaangeshan, islamarkaana leh koontooyin Bangi oo bilkasta ay ka helaan lacagta Mushaarka ah ee ay qaataan.

Cabdi Siciid,ayaa sheegay dib u habeynta Ciidamada xoogga dalka ee ka midka ahayd ololaha Madaxweyne Farmaajo uu sidiisii ku socdo islamarkaana uu isbeddel weyn ka muuqdo hadda.

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii la soo dhaafay AMISOM ku amray in ay dhimaan ciidamada ka jooga Soomaaliya,amnigana ku wareejiyaan Ciidanka xoogga dalka.

AMISOM ayaa si tartiib tartiib ah hadda uga baxeysa Soomaaliya ilaa sanadka 2020ka,waxaana sidoo kale bar bar socda dhismaha Ciidamada dowladda Federaalka ah oo qeybtooda ugu weyn ay gacanta ku heysto dowladda Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here