Kooxda Midawga Yurub ee Tababarta Ciidanka Soomaaliya oo Ka qayb qaatay Nadiifinta Xeebta

0
198

Kooxda Midawga Yurub ee Muqdisho ku tababarta ciidanka Soomaaliya ayaa page-ka ay ku leeyihiin Facebook waxa ay soo dhigeen sawirro ay ku muujinayaan in ay ka qayb qaateen hagaajinta nadaafadda Xeebta.

Dhawaan ayaa waxaa warbaahinta guduhu ay baahiyeen in AMISOM iyo Hay’adaha kale ee saldhiggoodu yahay Xalane ay si ula kac ah u wasaqeeyaan deegaanka, gaar ahaan xeebta.

Lama oga ololahaan nadaafadeed in uu yahay mid looga jawaabayo eedeymahaas, hase yeeshee Kooxda Midawga Yurub ee Muqdisho u joogta tababarka ciidanka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in ay ka qayb qaateen hindisaha UNSOM ee Nadiifinta Xeebta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here