Hadal Jeedinta Musharixiinta Madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo Ka Billaabanaysa Maanta

0
76

Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay waxaa maanta lagu wadaa in ay ka billaabato hadal jeedinta musharrixiinta u tartamaya Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Ilaa afar musharrax ayaa lagu ballansanyahay in ay maanta hadalkooda ka hor jeediyaan Baarlamaanka Maamulka Koofur Galbeed.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa iyada oo dowladda Federaalka ah Xabsiga dhigtay mid ka mid ah musharrixiinta Koofur Galbeed oo ah Mukhtaar Rooboow.

Roobow ayaa heysta shahaadada u oggolaaneysa ka qeybgalka doorashad Koofur Galbeed waxaana lagu hayaa Muqdisho isaga oo Khamiistii laga soo xiray Baydhaba.

Roobow ayaa dawladdu horay ugu diiday in uu tartamo sababo la xariira in uusan buubixin shuruudaha oo wali ay cunaqabatayn saarantahay maadaama uu dhawaan kasoo goostay ururkii Shabaab ee uu madaxda ka ahaa ee daadiyay dhiigga dad badan oo Soomaaliyeed.

Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed ayaa dalbanaya in doorashada dib loo dhigo hayeeshee Guddiga doorashada ayey u badantahay in ay arrintaas dhegaha ka fureysanayaan maaddaama jadwalka sidiisa loo dhaqan gelinayo 19ka Bishanna ay dhaceyso doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here