Wararkii ugu danbeeyay ee xariga Mukhtaar Rooboow iyo jirdil la sheegay in loo geystay

0
113

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydbabo ayaa sheegaya in waqtiga laga maqlayo meelaha qaar rasaas culus, kaddib markii ciidamada Itoobiya ay xabsiga dhiggeen Mukhtaar Rooboow Abuu-Mansuur.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay ka qabteen Mukhtaar xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed oo la sheegayo in lagula ballamay in uu yimaado.

Dad carreysan oo qaarkood la sheegay in ay hub sitaan ayaa meelaha qaar magaalada weerar ka geystay, waxaana ka mid ah meelaha rasaasta laga maqlayo xarunta madaxtooyada Baydhabo oo ah halka laga kaxeystay Mukhtaar Rooboow.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wadaadka jirdil loo geystay markii ay ciidamada qabanayeen, inkastoo aan si rasmi ah arrinkaa loo xaqiijin.

Ilaa iyo hadda wax war ah lagama hayo halka ay la tageen ciidamada Itoobiya Mukhtaar Rooboow oo ka mid ah musharixiinta cad cad doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sidoo kale waxaan cadeyn sababta keentay waqtigan xariggiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay musharax Mukhtaar uga joojisay in uu ka qeybgalo doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed hasse ahaatee labadii guddi doorasho ee ugu danbeeyay ayaa guddoon-siiyay shahaatada musharaxnimada, iyaga oo sheegay in uu soo buuxiyay sharuudihii looga baahnaa.

Maalin ka hor ayey aheyd markii magaalada Baydhabo ay ka dhaceen dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhinaca kalana lagu taageerayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo mooshinka laga keenay madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here