Dowladda Yemen iyo xuutiyiinta wadahadaladii u dhaxeeyay oo la soo Gabagabeynayo

0
55
SANA'A, YEMEN - JANUARY 23: Thousands of Yemeni Shiite Houthi followers take part in a protest in Sana'a, Yemen on January 23, 2015 against cartoons by a French magazine Charlie Hebdo mocking Islam's prophet Mohammad. (Photo by Onur Coban/Anadolu Agency/Getty Images)

Wahadaladii Yemen uga socday dalka Sweden ayaa lagu wadaa in Khamiista maanta ah la soogabagabeeyo.

Dhex dhexaadiyaasha QM ayaa rajeynaya in horumar laga sameeyoarrimo dhowr ah.

Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres ayaa ka qeyb galaya wadahadalada maanta ee magaalada Stockholm si uu labada dhinac ugu dhiiri galiyo in ay meeshii la gaaray horay looga sii socdo.

Dawladda Yemen ee Sucuudigu taageero iyo kooxda Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa durbaba ku heshiiyey inay maxaabiista isweydaarsadaan.

Warbixinada shirka laga helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay aad ugu dhow yihiin inay ku heshiiyaan in la furo gegida dayuuradaha ee magaalada Sanca, isla markaana la bilaabo dhoofinta saliidda iyo gaaska si dalkaasi uu u helo lacagaha caddaankaee uu aadka ugu baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here