Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sii jeeda dalka Qatar

0
53

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta ku wajahan magaalada Doxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu uga qeyb galayo Madasha Doha Forum oo sanadkiiba mar la qabto.

Kheyre iyo wafdigii oo  ka mid ah xubnaha lagu casuumay shirka Doha Forum ayaa ka ambabaxay garoonka Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho..

Wararka horudhaca ah ee aan ka heleyno shirkaasi ayaa sheegaya in uu furi doona Sheikh Mohamed Bin Abdurahman Al-Thani Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ahna Ra’iisul wasaare kuxigeenka.

Xasan Cali Kheyre ayaa la qorsheynayaa in uu shirka ka jeedin doona khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya si gaar ah guulihii ay gaartay dowladda Madaxweyne Framaajo uu hoggaamiyo.

Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey iyo madax kale ayaa la rajeynayaa in ay ka qeyb galaan shirkaasi Doxa ka furmaayo.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ee Qatar ayaa imanaya xilli ay taahan tahay xiisad siyaasadeed oo aad u adag taasi oo ka dhalatay mooshin uu qabtay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal kaasoo mudanayaasha qaar ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo.

Wadanka Qatar ayaa ka mid dalalka sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya iyagoo dhaqaale badan iyo deeqo kala duwan ku caawiya Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here