Madaxtooyada Oo U Diyaar Garoobaysa Soo Dhawaynta Abiy Axmed Iyo Isias Afawarki

0
88

Diyaar garow xooggan oo lagu soo dhawaynayo hoggaamiyeyaasha dalalka Ethiopia iyo Eritrea, Abiy Axmed Iyo Isias Afawarki ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Wararku waxa ay sheegayaan in maalinta berri ah ay Muqdisho imaanayaan ra’iisul wasaaraha Ehiopia iyo madaxwaynaha Eretria Abiy Axmed Iyo Isias Afawarki ayna la kulmi doonaan madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay ka wada hadli doonaan xariirka sedax geesoodka iyo dhamaystirka heshiisyadii horudhaca ahaa ee horay ay u gaareen sedaxda hoggaamiye intii lagu guda jiray shirarkii Ehtiopia iyo Eretria.

Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa 5 – 6 September 2018 magaalada Asmara ku kala saxiixday heshiisyo ay ugu muhiimsanaayeen iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni oo sadexda dowladood sameystaan.

Heshiis kale ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Eretereeya iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya waxa ay ku kala saxiixdeen magaalada Gondar ee gobolka Baxar-daar November 10, 2018

Shirka maalinta berry ah ayaa la filayaa in heshiisyo kale lagu wada saxiixdo si loo sii amba qaado isbedelka gobalka ka bilaawday ee bedelay jawigiii jaha wareerka ku salaysnaa ee 10-naankii sano ee lasoo dhaafay hareeyay siyaasadda geeska Afrika.

Wadooyinka Muqdisho ayaa la filayaa in maalinta berri ay gasho cariiri dhanka isu-socodka, lana xiro inta badan wadooyinka maadaama la adkaynayo amniga.

Socdaalka hoggaanka labada dal ee Ethiopia iyo Ereteria ayaa imaanaya iyada oo ay jirto siyaasad cakiran oo ka dhalatay mowshin laga keenay madaxwayne Farmaajo oo la sheegay in uu ugu dambayn buuxin waayay shuruudihii laga doonayay.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ka guuray madaxtooyada lamana hubo in barri uu fursad u heli doono in uu la kulmo madaxda imaanaysa, waxaana isna dalka ka maqan ra’iisul wasaare Khayre oo u safray dalka Qatar oo shirar uu uga qayb gelayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here