Sawirro;- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka Cusub Turkiga

0
103

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yilmaz, waxaa ayna ka wadahadleen  xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ugu horreyn ku soo dhaweeyey Danjiraha Cusub Caasimadda dalka ee Muqdisho ayaa warbixin dheer ka siiyey Taariikhda faca-weyn ee ay ku fadhido Muqdisho, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xiriirka soojireenka ah ee ay wadaagaan labada bulsho.

“Xiriirka aan lawadaagno Turkiga waa mid ahmiyad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed iyo sidiiay dib ugu soo kaban lahayd, Mudane Danjire ku soo dhawoow Muqdisho iyo dalkaagii labaad oo kaa rajeynaya muddada aad joogto in wax badan aad la qaban doonto.

Eng. Yarisow ayaahoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed aysan marna ilaawi doonin abaalkaTurkiga, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado.

Safiirka cusub ee Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa balan-qaadayin ay sii wadi doonaan garab istaaggooda dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay ahmiyadda ay leedahay in la sii dardargeliyo taageerada aan shuruuddu ku xirnaynee dalkiisa siiyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here