Mukulaal Madax Doolli Kama Xajiso Xildhibaan Soomaaliyeedna Mooshin Kama Koro (Maqaal Xiiso Badan)

0
142

Wasiir dawlihii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa qoray maqaal uu uga hadlayo mowshinka ka dhanka ah madaxwaynaha iyo dhibaatooyinka uu dalka iyo dadka u gaysan karo.

Dr. Gacal ayaa qoraalkiisa ku billaabay:

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa la filayey in laga koray Mooshinadii iyo kala Aargoosigii Siyaasadeed ee soo maray Dalka Laakiin wixii aad barataa waa baaskaa!

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dhawr mar isku dayey 2-dii sano ee la soo dhaafay in ay ka Shaqeeyaan Mooshinadii ay ka samayn jireen Powerka iyo Peesada lkn kuma guulaysan Wacyiga iyo Garaadka shacabka oo kordhay Awgeed iyo Xildhibaanada badankood oo ka daalay Mooshin una arkay in uu dib u dhac ku yahay dalka iyo dadka. Mana helin mar kasta oo ay isku dayaan tiradii iyo sababihii looga bahnaa!

Hadda waxaa ku cusub Gudoomiye Mursal oo la filayay in uu ka mid yahay Nabad & Nolol ayaa deg deg ugu biiray Mucaaradka, kadib safarkii Turkey oo la aaminsanyahay in la siiyey Talo ka baxsan Somaaliya gudaheeda, sababtoo ah; Gudoomiye Mursal oo lagu yaqiin; Diplomaasi degan ayaa markii uu soo saaray 3 maalmood 3 warqadood oo Xanaaq iyo deg deg tii reer Mudug ku jirto ay keentay in laga shakiyo dhaqankii hore ee lagu yaqiin!

Lamana oga weli tirada Xildhibaanada uu ku biirin doono Mucaaradka oo horay u waayey Kooramkii Mooshinka, iyada oo ay ilaa Maanta beeniyeen 6 Xildhibaan oo ahaa reer Koofur galbeed ayna Cadeeyeen in lagu been-abuurtay!

Saamaynta & Waxa ka dhalan kara Mooshinka:

  1. Kama qaadi karaan Xilka Madaxwayne Farmaajo laakiin dalka ayey khalkhal Siyaasadeed iyo Magac-dil u Geesan karaan! Sabab-tuna waa; Xil ka qaadista Madaxweynaha Federaalka oo u dhexaysa; Golaha Shacabka, Aqalka Sare iyo Maxkamad Dastuuri ah oo aan jirin, Horayna uma dhicin!
    2. Khilaaf iyo Kala-jab Golaha Shacabka iyo Guddoonkiisa kadib-na Hawl-geb noqda sidii Horay u dhici jirtay!
    3. Dib u dhac ku imaan kara Rajadii 2020 ee Doorashada, Dastuurka iyo Xizbiyada oo bedela 4.5!.
    4. Madaxdii Dawlad-gobaleedyada ee Waqtiga iyo Taageeradii Shacabku ka dhamaatay oo loo abuuro rajo ay kusii joogi karaan Kursiga!
    5. Nabad-diidka oo loo abuuro Fursado ay Amniga Khalkhal kusii gelin karaan!
  2. Dhiiri-gelin kala go’go Gobalada Dalka iyo Daciifin Midnimada iyo Awooda Dawladda Dhexe!
    7. Shaki iyo Mugdi-gelin Is bedelka Siyaasadeed iyo Iskaashiga ka socda Geeska Afrika oo Dawlada Somaaliya Safka hore uga jirtito iyo Saamaynta ay ku leedahay Madaxda Geeska Afrika iyo Kaalinta ay ka Ciyaari karto Somaaliya Is-bedelada lagu samaynayo Midawga Afrika iyo IGAD!
    8. Fursad-siin Dawladihii fara-gelinjiray Somaaliya iyo dadkii Wakiilka uga ahaa! Oo ay ka muuqatay Quus 2 dii sano ee la soo dhaafay!
    9. Shaki-gelin Beesha Caalamka ee Sumcadda iyo Magaca Dawladda oo soo gaaray heer lagu aamino; Dhaqaale, Maal-gashi, Dayn la siiyo iyo tii hore oo laga Cafiyo, iyo in ay xalisato Arrimaheeda Gudaha, ayna Dhisato Ciidan la Wareega Amnigeeda!
    10. Mooshinku wuxuu Niyad-jab iyo Quus gaarsiin karaa Qof kasta oo Somaali ah oo ku Naaloonayey in la gaaray Dawladnimo, Xasilooni iyo Isku Filnaan 30 Sano kadib!

Ugu danbayn waxaa Iswaydiin Mudan;

Xildhibaanada yaa la Xisaabtamaya? Haddii ay rabaan in ay Madaxwaynaha la xisaabtamaan iyaguna diidaan Go’aankii Maxkamadda Sare iyo Xasaanaddii ay ku difaaceen kuwii la Eedeeyay?

Haddii ay u Doodayaan Qalbidhagax oo la sii daayay iyo Cabdi Ilay oo u xiran Ethiopia! Yaa u Doodaya kuwa ay Kursigooda ku fadhiyaan, Magacoidana Mushaarka ku Qaataan ee maalin kasta lagu dilayo Hortooda ama Gaajada iyo Darxumada ugu Dhimanaya meel kasta? Iyo kuwa ku jira Xabsiyada daafaha Dunida? Mise Damiirkii ayaa Dhintay???

Dr. Maxamed Nuur Gacal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here