Maxkamada Sare ee Puntland oo qaadeysa Dacwad la xiriirta khilaafka madaxda maamulkaasi.

0
37

Maxkamada sare ee Puntland ayaa maanta qaadaysa dacwad maamul oo u dhexeysa madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas  iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdi Xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey.

Dacwada ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhalatay magacaabidda guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta golaha wakiilada ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Eng. Camey ayaa la sheegay inuu warqad dacwo ah uu u qoray Maxkamada.

Lama oga sida go’aanka ka soo bixi doono Maxkamada Sare ee Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here