Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  oo ka noqday  dacwadii uu ka gudbiyay Cabdiweli Gaas

0
34

Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa ka laabtay dacwad ka dhan ah madaxweynaha Puntland , taas oo salka ku haysay magacaabista guddiga xallinta khilaafaadka ee Baarlamaanka Puntland oo madaxwayne kuxigeenku ka horyimid guddigii madaxwaynaha uu

Camey ayaa dacwada u gudbiyay maxkamadda sare ee Puntland, balse qoraal ay baahisay warbaahinta gudaha ayaa lagu sheegay inuu madaxweyne ku-xigeenka ka tanaasulay dacwada.

Ma cadda in labada hoggaamiye ay ka heshiiyeen khilaafka dhextaagna ee la xiriiray magacaabiista guddiga xallinta khilaafaadka, mana jirto ilaa hadda wax faahfaahin ah oo u bixiyay madaxweyne ku-xigeenka.

Guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ee u magacaabay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa hadda howlahooda lagu wadaa inay billaabaan, xilli doorashada ay ka dhimantahay waqti koobaan.

Halkaan ka akhriso

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here