Gaadiidka oo laga mamnuucay in ay galaan Villa Somalia

0
40

Dhamaan waxaa dib ay ciidamada ilaalada Villa Somalia ay dib u celinayaan gaadiidkii gali jiray madaxtooyada oo ay wateen shaqaalaha xarunta, kuwa dowladda, iyo xildhibaanada, marka laga reebo tiro yar oo heysta fasax gaar ah.

Mamnuucidan ayaa timid ka dib qoraal ka soo baxay agaasinka Madaxtooyada Aamina kaasi oo lagu soo bandhigay heyadaha gawaaridooda loo ogol yahay iney ka gudbaan Gate-1oo ah albaabka weyn ee Madaxtooyada.

“Laga bilaabo 11-12-2018 illaa 20-12-2018 waxaa mamnuuc ah iney gaadiidka ka soo gudbaan albaabka Gate-1 marka laga reebo gaadiidka fasaxa gaarka ah heysta oo kala ah

  • Xafiiska raisul Wasaaraha=shan gaari
  • Guddoonka Baarlamanka=afar gaari
  • Xafiiska hanti-dhowrka guud=sadex gaari
  • Gudiga doorashooyinka Qaranka=sadex gaari
  • Guddiga xuduudaha Qaranka=labo gaari
  • Wasaarada arrimaha dastuurka=labo gaari
  • Guddiga xalinta khilaafaadka=labo gaari.

Qaar ka mid ah Wasaaradaha, Talisyada Ciidamada ammaanka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xildhibaanada baarlamanka ayaa laga reebay heyadaha gaadiidkooda loo ogol yahay in ay gudaha u galaan madaxtooyada.

Go’aankan  ayaa saameyn muuqata ku yeeshay shaqaalihii u shaqo tagi jiray Villa Somalia, Kuwaasi oo culeys badan kala kumaya halka ay dhigayaan gaadiidka ay wataan iyagoo qaba wal wal dhinaca ammaanka ah.

Dhinaca kale qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ku doodaya  in talaabada ujeedka laga leeyahay ay tahay  in madaxtooyada lagu go’doomiyo gudoomiyaha Golaha shacabka oo degan dhismaha xarunta villa Hargeysa oo ku dhex yaalla Madaxtooyada Soomaaliya.

Halkaan ka Akhriso 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here