Xildhibaanno sheegay in looga been abuurtay Mooshinka laga gudbiyay Farmaajo

0
71

Qaar ka mid ah mudanayaasha Golaha shacabka ayaa Guddoomiyaha Golaha waxaa ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanna ku saxiixan mooshinka la soo gudbiyay ay sheegeen in laga been abuurtay oo aysan qeyb ka aheyn.

Xildhibaan kala ah Idiris Cabdi Dhakhtar, xildhibaan Sheekh Shaacir iyo xildhibaan Huda Axmed Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in aysan waxba kala socon mooshinka la sheegay in laga keenay madaxweynaha islamarkaana si qalad ah loo isticmaalay magac-yadooda.

Ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan hasse ahaatee waxaa ay sheegeen in aysan waxba kala socon diyaarinta mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha.

Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinka laga keenay Madaxweynaha uu sharci darro yahay, isla markaana weli aanay dhisneyn Maxkamad Dastuuri ah, iyagoo sheegay in Guddoomiyaha uu qaadi doono cawaaqib xumada ka dhalata Mooshinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here