Guddoonka Baarlamaanka oo Guddoomiye Mursal ka diiday soo celinta Guddigii maaliyadda ee la kala diray

0
83

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka, Mahad Cawad ayaa warbaahita u sheegay in guddoonku uusan aqoonsanayn shaqo kusoo celinta guddigii dhawaan baarlamaanku uu kala  diray ee Miisaaniyadda.

Xildhibaan Cawad ayaa sheegay in ay ku talinayaan in la magacaabo guddi ku-meel gaar ah oo ka shaqeeya ansixinta miisaaniyadda 2019 iyo xisaab xirka 2017.

waxa uu guddoomiye ku-xigeenka 2-aad sheegay in guddoomiye Mursal uu iskii ugu dhawaaqay in guddigu shaqaynayaan iyada oo aysan la ogayn guddoonka intiisa kale.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maalin ka hor waxa uu sheegay in shaqada uu kusoo celiyay guddigii la kala diray ee maaliyadda, waxa uuna faray in ay shaqadooda sii wataan.

Cawad ayaa sidoo kale ammarro dul dhigay shaqaalaha baarlamaanka, ciidanka amniga ee xarunta baarlamaanka, waxa uuna shaaciyay in xarumaha gaarka ah ee guddiyada aysan ku kulmi karin xildhibaannada kala aragtida duwan.

Arrintaan ayaa waxa ay sii hurinaysaa khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka ee uu sababay guddoomiye Mursal kadib markii uu aqbalay dalabyo dawlado shisheeye ay ku doonayaan in dalka lagu dhibaateeyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here