Deg-deg: Dibad-bax looga soo hor-jeedo Shirqoolka uu Hormuudka ka yahay Mursal oo Muqdisho ka bilaawday

0
104

Shacabka Muqdisho ayaa billaabay in wadooyinka isugu soo baxaan si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan madaxwaynaha dalka iyo sida ay u diidanyihiin shirqoolka iyo dabinnada shisheeyuhu maal gelinayo ee hormuudka looga dhigay guddoomiyaha baarlamaanka, Mursal.

Dibad-baxayaasha oo socodkooda ka bilaabay wadada Zoobe ayaa ku qaylinaya dooni mayno “oolar qaate, doonimayno mowshin wade”

Dibad-baxyada ayaa la filayaa in ay ku baahaan magaalada oo dhan iyo goballada dalka si shacabka Soomaaliyeed ay codkooda ugu difaacaan iftiinka qarannimo ee usoo muuqday, una tusaan qas-wadayaasha in waqtigoodii dhamaaday.

Xildhibaanno u badan wasiirrada xukuumadihii hore oo laga joojiyay qandaraasyo ay horay si qalad ah ku meel marsadeen ayaa garaawsaday in hadii sidaan horumar loosii gaaro ay suuragal tahay in ay hanti beelaan oo ay siyaasadda ka baxaan, waxa ayna iyaga oo u adeegaya shisheeye ay gudbiyeen mowshin been abuur ah oo lagu qoray xildhibaanno aan waxba kala socan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here