Dawlado shisheeye oo ka dambeeya Mowshinka ka dhanka ah Madaxwaynaha

0
111

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku dhaw madaxtooyada ayaa sheegay in gacmo shisheeye ay ka dambeeyaan mowshinka ka dhanka ah madaxwaynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Inkasta oo aan la cadayn dalalka kuwa ay yihiin, hadana waxaa loo badinayaa in ay yihiin xulufada Sucuudigu uu hoggaaminayo oo Soomaaliya dhibaata badan ku hayay waayihii dambe, ayna aad u dhibayso in ay horumar gaarto.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo dhawr jeer safarro qarsoodi ah ku tegay Turkiga ayaa la aaminsanyahay in uu halkaas kula kulmay diblamaasiyhiin ka socota isu-tagga imaaraadka Carabta ayna ka iibiyeen ajandahooda ay Soomaaliya ay ka leeyihiin ayna isla meel dhigeen qarashaadka ku baxaya Carqaladaynta horumarka dalka.

Sidoo kale Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya ayaa maalin ka hor kulan waxa looga hadlay aan la ogayn la qaatay Mursal, waxaana la saadaalinayaa in uu waday qarashkii loogu tala galay Mowshinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here