Abdirashid Ismail oo Maqaal Xiiso Leh Ka Qoray Xiisadda Ka Dhalatay Mowshinka Madaxwayaha ka dhanka.

0
146

Abdirashid Ismail oo kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee aqoonyahannada ah, inta bandanna qormo iyo falanqayn ka sameeya arrimaha ay tahay in bulsahda lala wadaago ayaa qormo xiiso badan waxa uu ka sameeyay mowshinka laga gudbiyayy Madaxwayne maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Abdirashid Ismail ayaa bartiisa facebook soo dhigay qormara oo uu ku billaabay qiimaynta xaaladda, kooxda mas’uuliyadda leh, waxa uuna qaybta dambe uu qoraalkiisa ku gudbiyay talooyin muhiim u ah hay’adaha dawladda.

Hoos Ka aqri Maqaalka

Marka aan qiimeeyay sida wax u socdaan, khilaafka u dhaxeeya Gudoomiye Mursal iyo Laanta fulinta, arrimaha leeysku hayo ee kala ah doorshada Baydhabo iyo sii shaqeeynta guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka, sharcininada go’aanki kala dirista Guddiga ee ay gaareen Gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka.

Marka aan daraaseeyay, aqriyay qodobbada dastuuriga ah ee ku qoran warqadda eedda ama motionka ay soo gudbiyeen Xildhibaanadau.

Tirada Xildhibaanada ku saxiixan oo ah hal garab (damul jadiid).

Arrimahaas oo dhan markaan falanqeeyay, Wax cusub iima muuqdaan. Sababtuna waxeey tahay, Xildhibaanada 92 ah waan ogeeyn ineey mucaard yihiin oo aysan marnaba dagaal la’aan aheeyn lkn waxaa hortaagnaa Gudoonka Baarlamaanka.

Haduu Gudoomiye Mursal motionka qabtay sidaasna sax ula muqatay waxaan sugeynaa go’aanka Maxkamadda Sare oo loo gudbin doono. Hayeeshee, wayadaan danbe fulintu weey ka awood badneeyd sharci dejinta welina taasi weey ii muuqataa.

Waxaa adkaa doonta ama aan suuragal aheyn:

  1. In 184 Xildhibaan oo burbur dowladnimao rabto lahelo
    2. Xildhibaanada dalka ku sugan oo aan gaareyn 184, u fiirso kalfadhiyadi ugu danbeeyay.
    3. Hogaanka Baarlamaanka oo aaan wada socon iyo xukuumadda oo wada socoto. Tasoo keeni karto in ku xigeenka 1 aad isna qabto Motion ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka, sidaasna sheekadu ku noqoto ijiid aan ku jiidee.
    4. Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo ay u badantahay inuu ka horyimaado soo jeedinta ama Motionka.
    5. In arrintaanu ay dhabarjab iyo kala qreybsanaan u keeni karto Paarlamaanka guud ahaan shaqadiisuna hakan doonto Koorom la’aan.

Talo:
1. In Madaxweynuha iyo Xukuumadduba aysan shaqadooda ka mashquulin howshoodana qabsadaan
2. In aan qaska iyo jahawareerka lasii badin oo ku xigeenadu aysan iyaguna qaban motion kale oo ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka
3. In wadamada Safaaradahoodu ku milmeen siyaasadda gacan kulul lagu qabto, qaab dowladnimo ahna loola dhaqmo.

Nb. Anigu waxaan hubaa Laba arrimood; In uusan hirgali doonin Motionkaan iyo in Culeeyska ugu weeyn soo wajihi dooni Baarlamaanka (kala qeybsami doono)

Abdirashid Ismail

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here