Mudane ka tirsan Golaha shacabka oo fagaaro ka sheegay in Gudoomiye Mursal xabsi uu ku jiro

0
59

Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in Xabsi guri laga dhigay sida uu sheegay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Wuxuuna intaasi ku daray in Xildhibaano iyo siyaasiyiin badan maantaloo diiday inuu la kulmo, islamarkaana ay arintaasi aaduga xun yihiin.

Xildhibaan Cabdi Fartax Ismaaciil Daahir ayaa sheegay in xaalad halis ah uu ku jiro Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Xoriyadiina laga qaaday sida uu hadalka u dhigay.

hadalkaani ayaa sii xoojin kara khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Muqdisho ayaa maanta wajahaysa Marxalad Siyaasadeed oo aad u daran.

Ma jiro war ka soo baxay Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed  Mursal oo la xiriirta jiritaanka arintaasi uu sheegay Xildhibaan Cabdi Fartax.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here