Xasaasi Kulan la isku mari waayay oo dhex maray Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa

0
59

Warar aan ka helnay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in kulamo gooni gooni ah ay saacadihii ugu dambeeyay  madaxtooyada  ku yeesheen Madaxda ugu sareysa Dowlada.

Fadhiyadaan ayaa yimid ka dib go’aankii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ee ku aadanaa kaga hor yimid kala diray Guddigii Maaliyadda, Qorsheynta iyo La xisaabtanka Hay’addaha dowladda.

Dhinaca kale Kulankaa ayaa looga hadlay Khilaafka u dhexeeya Gudoonka Golaha shacabka ee ifbaxay ka dib kala dirirstii guddigii maaliyadda.

Waxaa jiray  shalay in xarunta Villa Hargeysa uu ka dhacay  kulan xasaasi ah oo u dhaxeeyay  Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cadbi Raxmaan  iyo ku xigeenadiisa Cabdi weli Ibraahim Sheekh Muudeey iyo Mahad Cabdalla Cawad, iyadoona kulankaasi qodobo adag looga hadlay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in  labada Gudoomiye ku xigeen ee Golaha shacabka ay aad u diidan yihiin Go’aankii ka soo baxay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee ahaa in uu laalay kala dirista buuqa badan dhalisay.

Gudomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa markii  ay is fahmi waayeen ayaa la sheegayaa in Muudeey iyo cawad ay kulamo la qaateen Madaxweynaha iyagoo muujinaya halka ay ka taagan yihiin go’aanka Madaxweynaha.

Xaaladda guddoonka golaha shacabka ayaa u eg mid fureysa baal cusub oo khilaaf u horseedi kara golaha hadii aysan si dhaqso ah isugu afgaran xalka qodobada ay iminka isku diidan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here