NISA oo sheegtay in ay dil iyo xarig isugu dartay Al shabaab qorsheynayay weerar ay ka geystaan Muqdisho

0
64

 

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA war ay ku daabaceen mareegtooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in howlgal ka dhacay degaanka Basra ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab.

Lix ka mid ah kooxda Al shabaab in lagu dilay howlgalkaasi ayaa la sheegay halka la soo qabtay sarkaalkii madaxda u ahaa ee hogaaminayay.

NISA ayaa intaas ku dartay in ay Raggaasi qorsheynayeen weerar ay ka geystaan Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here