Muqdisho Koox hubeysan oo toos u weerartay Ganacsade iyo Gabadhiisa

0
87

Koox hubeysan ayaa Ganacsade  ku dileen  isgooska Ex-koontorool Afgooye ee \ Muqdisho, waxaana  la sheegay in uu ahaa Ganacsade soo dejiya Gawaarida,oo lagu Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax  (Cabdi Biifane)

Qaar ka mid ah Dadka Deegaanka ayaa  sheegay in koox ku hubeysan bistoolad ay Ganacsadaha uga tageen hoygiisa oo ku yaalla meel u dhow  Isgooska Ex-koontorool Afgooye , iyagoona kadib rasaas badan ku riday, waxaana la tilmaamay  in goobta uu ku dhintay.

Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa sheeagaya in kooxda hubeysan  ay rasaas ku fureen Gabadh uu dhalay Ninka la dilay, iyadoona dhaawaca Gabadha la geeyay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoona halka uu dilka ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here