Munaasabad lagu xusayo maalinta caalamiga ah ee Musuqa oo lagu qabtay Muqdisho

0
145

Munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee ladagaalanka Musuqmaasuqa ayaa maanta lagu qabtay  magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wasiiro iyo madaxda kale oo kasocta Dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa munaasabadaan ka qayb galay.

Munaasabadda ayaa looga hadlay dhibaatooyinka uu Musuqu u leeyahay horumarka bulshada iyo dhaqaalaha adduunka.

Barnaamijka horumarinta qaramada midoobay (UNDP) iyo xafiiska qaramada midoobay ee la dagaalanka daroogada iyo dambiyada (UNODC) ayaa sannadkaan sameeyay olole heer caalami ah oo diiradda lagu saarayo dhibaatada musuqu u leeyahay waxbarashada, caafimaadka, caddaaladda, dimuquraadiyadda, barwaaqada iyo horumarka

Maalinta caalamiga ee la dagaalanka musuqa oo dunida oo dhan laga xuso maanta oo kale sannad waliba ayaa waxaa kasoo billaabay sannadku markii ahaa 2003.

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in sannad kasta musuq lagu bixiyo lacag dhan $1 trillion, sidoo kalana la xado $2.6 trillion.

Hoggaanka dawladda Soomaaliya oo qorshaha 1-aad ka dhigay yaraynta musuqa ayaa mas’uulyiin badan u xiray xatooyada xoola dadwayne kuwaas oo qaarkood maxkamadi xukuntay, kuwa kalana wali lagu hayo baaritaan.

Wasiirro ayaa shaqada looga cayriyay tuhun la xariira musuq, waxaana sidoo kale la joojiyay qandaraasyo laga shakisanyahay in qaab qaldan loo bixiyay iyada oo laga faa’iidaysanayo mansab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here