Maxaa ka jira wararka sheegay in Burcad badeed Soomaali ah gacanta lagu dhigay?

0
52

Markab Hindiya laga leeyahay loona yaqaano INS Sunnya ayaa la sheegayaa in uu gacanta ku dhigay burcad badeed aad u hubeysan oo doonayay in ay af-duub ka geystaan gacanka cadmeed.

Markabkaan ayaa ka mid ah kuwa ka hortaga falalaka Burcad badeednimada  gaar ahaan xeebaha Soomaalida iyo xeebaha ku dhaw aadka u ilaaliya.

Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban dabadeed ay u suurta gashay in la xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay dhammaan raggii burcada ahaa hubkooda iyo doonyihii ay wateyn.

Wali wax war ah lagama haayo halka la geyn doono ragaan lasoo qabtay iyo waxa ay ka yeeli doonaan ciidamada qabtay, balse waxaa la rumeysan yahay in xabsiyada Hindiya lagu xiri doono.

Bishii ina dhaaftay Markabkaan INS Sunnya waxa uu ka hortagay falal ay ku tilmaameyn in ay ahaayeen burcad badeednimo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here