Ganacsade Cabdi Cismaan Afrax Oo Lagu Dilay Muqdisho

0
90

Koox hubeysan ayaa isgooska Ex-koontorool Afgooye ee Magalada Muqdisho ku dilay nin dibadda ka keeni jiray gaadiidka kadibna ku iibin jiray dalka.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay  Magacaabi jiray Cabdi Cismaan Afrax  (Cabdi Biifane) ayaa lagu toogtay isaga oo jooga hoygiisa, waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawacmay gabar uu dhalay

Kooxihii weerarka gaystay waa ka baxsadeen goobta, waxaana gaaray ciidamada ammaanka inkasta oo ilaa hadda aan la sheegin cid loo soo qabtay in ay ku lug lahayd dilka ganacsadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here