Guddoomiye ku-xigeennada Baarlamaanka oo ka jawaabay mowshinkii madaxwaynaha laga keenay

0
114

Guddoomiye ku-xigeennada 1-aad iyo 2-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in guddoomiyaha baarlamaanka ay kala taliyeen qabashada mowshinka madaxwaynaha laga keenay hase yeeshee uu ka diiday.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee baarlamaanka ayaa sheegay in guddoomiye Mursal ay u sheegeen in xilligaan aysan munaasab ahayn mowshin laga keeno madaxwayne sababo la xariira in aysan jirin maxkamad dastuuri ah iyo in uu jiray qaraar sannadkii hore la meel mariyay oo ahaa in guddoonku uusan qaban Karin  dacwadaha nuucaas oo kale ah.

Guddoomiye Muudeey ayaa sheegay guddoomiye Mursal uu caraysnaa inkasta oo aysan ogayn halka uu ka caraysnaa, waxa uuna sheegay in aan  xanaaq dal lagu dhaqi Karin, isaga oo ka dalbay in uu is dejiyo oo uu soo laabto guddoonka intiisa kale uuna la tashado.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa maanta la sheegay in uu qabtay mowshin  kalsooni kala laabasha ah oo ay xildhibaannada qaar ka keeneen madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Labada guddoomiye ku-xigeen ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ummadda Soomaaliyeed u sheegay in aysan raalli ka ahayn dhibaatada ka dhalata falka uu ku kacay Guddoomiye Mursal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here