Xarunta Lagu Doorasha Koofur Galbeed Oo La Diyaariyay (SAWIRRO)

0
108

Qaaban qaabada Doorashada Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Meel meel wanaagsan  mareysa , waxaana Guddiga Doorashada Koonfur galbeed soomaaliya ay diyaariyeen  Goobtii lagu qaban Laha Doorashada madaxwaynaha ee lagu ballansanyahay in ay dhacdo 19-ka bishaan December.

Maxamed Suldaan Muxamed, Gudoomiyaha  Gudi Hoosaadka Diiwangalinta musharxiinta iyo Nidaaminta Howlka ayaa sheegay in ay ku guulaysteen diyaarinta hoolka doorashada

Xildhibaan Shaacir Cumar Bayle, Gudoomiyaha Guddiga Doorashada  madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya ayaa isna sheegey in ay  dhacayso doorashada 19-ka Bishan December oo ah maalintii loo qorsheeyay, waxa uuna bulshadana ugu baaqey in ay la shaqeeyaan guddiga si ay u dhacdo doorasho deegaanka horumar u horseeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here