Qalab Casri ah oo lagu soo kordhiyay dekadda Muqdisho

0
58

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maryan Aweys Jaamac, ayaa maanta ka qeyb gashay munaasabad lagu qabtay dekedda magaalada Muqdisho oo lagu soo bandhigayay qalab casri ah oo lagu soo kordhiyay dekedda Muqdisho si loo fududeeyo hawlaha dekadda.

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Maryan Aweys Jaamac ayaa bogaadisay qalabkaan shirkadda Albeyrak ay ku soo kordhisay dekedda Muqdisho.

“Waxaan u mahad celinaya maamulka Shirkada Albeyrak horumarinta ay ka wadaan dekadda Muqdisho, islamarkaan qalabkaan lagu horumarinyo howlaha Dekada”, ayay tiri wasiirka dekedaha Soomaaliya.

Shirkadda Albeyrak ee gacanta ku heysa maamulka dekedda Muqdisho ayaa Dubia ka keentay qalabkaan oo maraakiibta xamuulka u sahlaya in ay dekadda si fudud ugu soo xirtaan.

Maareeyaha shirkada Albeyrak, Sami Erol,  ayaa tilmaamay in qalabkaan uu wax badan ka tari doono howlaha shaqo ee ka socda dekadda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here