Muhaajiriin isugu jira Soomaali iyo Ajaanib Kale oo La Dejinayo Qubuuraha eeyaha iyo Doofaarraa ee Denmark

0
177

Isbahaysiga Garabka Midig ee hoggaamiya Dowladda Denmark ayaa dhawaan ku dhawaaqay in qaar ka mid ah Qaxootiga ku sugan dalkooda dib loo dejin doono Jesiiradda lagu magacaabo Lindholm.

Wargeyska The New York ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa dhawaan qoray in Qaxootiga oo ay ku jiraan kuwa ka soo jeeda Soomaaliya la qorsheynayo in Xero looga sameeyo Jesiiradaasi oo ay horey ugu yaalleen Shaybaarka Cudduradda Xoolaha iyo Qabuuraha u gaarka Doofaarka iyo Eeyda.

Dowladda Denmark waxa ay Jimcihii la soo dhaafay sheegtay inay Jesiiradda Lindholm hoy uga dhigi doonaato 100 Qaxooti oo ka mid ah Muhaajiriinta magangelyo-doonka ee ku nool dalkooda.

Dowladda waxay qorsheynaysaa in sannadka soo socda la nadiifin doono Jesiiradda, si Qaxootigaasi loo dejiyo sannadka 2021-ka.

Qaxootiga la dejinayo Jesiiraddaasi oo loogu tala galay in lagu takooro ayaa la tilmaamay inay noqon doona kuwa Codsiyadooda Magangelyo-doonka lagu gacan-sayray ee aan dalalkooda loo soo masaafurin Karin iyo Muhaajiriinta loo diiwaan-geliyo Dembiyadda.

Dhinaca kale, Haweeneyda Wasiirka Socdaalka iyo Is-dhexgalka Bulshadda ee dalka Denmark, Inger Stojberg ayaa Barteeda Facebook ku qortay in loo baahanyahay Qaxootiga ku nool dalkaasi dareemaan inay yihiin dad aan lagu casuumin Denmark.

Madaxa QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha, Michelle Bachelet, waxa ay walaac xooggan ka muujisay Qorshahaasi, waxayna sheegtay inay Dowladda Denmark kala hadli doonto sidii loo joojin lahaa qorshahaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here