Guddoomiyaha Aqalka Sare oo Ku Wajahan Kismaayo

0
79

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Juballand

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Socdaalka Guddoomiye Cabdi Xaashi ee magaalada Kismaayo ayaa salka ku heysa sii wadida dadaaladii Aqalka Sare uu ugu jiray xal u helida khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ha DFS.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ay heer gabogabo ah mareyso howshii uu soo waday Aqalka Sare, isla markaana ay rajeynayaan inta dhimman inay ku guuleystaan.

Aqalka Sare ayaa dhowaan qodobbo ka soo saaray khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ay soo bandhigeen qodobo ay tabanayaan Maamul goboleedyada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here