Dawladda Jabuuti oo Raja Wanaag Ka Muujisay Wadahaddala lagu Dhamaynayo Khilaafkii Kala Dhexeeyay Eritrea

0
68

Dhawaan waxaa la filayaa in Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afeworki iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaaraan dalka Jabuuti si labada madaxwayne ee dalalkaasi ay u yeeshaan wadahadallo muhiim ah.

Labada dowladood ayaa mudo dhowr Sanno ah waxaa ka dhaxeeyay dagaalo sababay gacan ka hadal dhex maray Ciidamada labada dowladood.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa waxa uu ififaalo wanaagsan ka muujiyey wada xaajoodka u socda Eritrea iyo Jabuuti, kaas oo mustaqbal wanaagsan u horseedi kara gobolka geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hormuud ka ah wadahadallada lagu dhex dhexaadinayo Wadamada Jabuuti iyo Eritrea si xasilooni uga dhacdo wadamada Gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here