Xiriir Nuucee ah ayaa ka dhexeeya Moshinka lagu diidayo Isbedelka Gobolka iyo Jawaasiistii uu Farmaajo sheegay in Shaqo la’aan la dhigayo?

0
1018

Kadib markii maanta xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay maanta war ka keeneen isbedelka gobalka geeska Afrika ayaa dadka qaar waxa ay soo xasuusteen khudbaddii madaxwayne Farmaajo uu u jeediyay Soomaalida Nairobi ee uu ku sheegay in dawladaha deriska ay dhib ku hayeen dalka hase yeeshee jawaasiistii dhibaka qayb ka ahayed in shaqo la’aanta la dhigayo.

Xildhibaanno 10 ah oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka ka hor sheegay in heshiiska sedax geesoodka ah ee Soomaaliya, Eretria iyo Ethiopia uusan dan u ahayn shacabka Soomaaliyeed.

Qolooyinka diidan isbedelka ee doonaya in ay wataan shaqooyinkoodii hore ayaa la sheegyay in ay doonayaan in iskaashiga waddamada gobalka ay u sameeyaan dul-duleello si  shacabka Soomaaliyeed ay uga qaadaan xaasaasiyad.

Dadka taxliiliya siyaasadda geeska Afrika ayaa sheegaya in xildhibaannada maanta mowshinka gudbiyay iyo hadalkii madaxwayne Farmaajo ee ahaa in uu soo xiray kanaalkii Jawaasiista ay xariir leeyihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here