Madaxweyne Uhurru oo Warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Soomaaliya ee dalka Kenya

0
63

Madaxweynaha dalka Kenyatta, Uhuru Kenyatta, ayaa maanta aqalka looga arimiyo dalkaasi warqadaha aqoonsiga safiirnimo uga gudoonay 17-safiir uu ku jiro safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u magacawday Duqii hore ee magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) in uu noqdo safiirka cusub ee dowlada Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya.

Safiirka cusub ee Kenya u fadhiya Soomaaliya Tarsan ayaa Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta gaarsiiyay dhambaal salaan ah uu ka waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi (Farmaajo).

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)  ayaa sheegay in uu ka shaqayn doono adkaynta xariirka ka dhexeeya laba dawladood si la isaga kaashado amniga iyo ganacsiga.

Fududaynta socdaalka labada shacab ayuu sheegay in ay qayb wayn ka qaadan karto horumarinta hannaanka ganacsi ee ka dhaxeeya labadaan dal ee deriska ah.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ayaa aad ugu mahadceliyay hawl-wadeennada safaaradda iyo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya ee sida wanaagsan ugu soo dhaweeyay dalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here