Kenya Airways Oo Muqdisho laga sugayo Xilli Burundi, Jabuuti iyo Suudaanka Koonfureed laga mamnuucay

0
150

Shirkadda diyaaeradaha Kenya airways ayaa dib u dhigtay qorshe lagu doonayay in November 15 2018, ay ku bilaawdo duullimaadyo ay uga kala gooshayso garoomada Jomo Kenyatta iyo Aadan Cabduule Cusmaan.

Maamulka shirkadda ayaa xilligaas sheegay in ay bilaabi doonaan maanta oo Arbaco ah (December 05, 2018) hase yeeshee shalay oo Talaada ah ayeey hadana maamulku sheegeen in ay wali wax ka dhimanyihiin buuxinta shuruudaha u ogolaanaya duullimaadka, xilliga uu billaabanayana ay dib kasoo sheegi doonaan.

Dhanka kale, Dawladaha Burundi, Jabuuti iyo Suudaanka Koonfureed ayaa diiday in diyaaradda Kenya airways ay caasimadahooda ku tagto duulimaadyadii caadiga ahaa, arintaas oo dhalisay xasarad siyaasadeed oo u dhexeysa dalalkaas iyo Keyna

Maamulaha guud ee Shirkadda ayaa baarlamaanka Kenya ka hor sheegay in diidmada sedaxdaan dal ay tahay arrin siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here