Ciidamo Maraykan iyo Soomaali ah oo weerar Qorshaynsan ku qaaday Awdheegle

0
80

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa weeraray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku tuhmayeen in ay ku dhuumaalaysanayeen dagaalamayaasha ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka oo watay Diyaarado ay ku degeen duleedka degmada Awdheegle,iyaga oo qaab lug ah ku galay gudaha Magalada, kadibna uu dagaal xoogan ku dhexmaray Al-Shabaab markii ay gaareen agagaarka Saldhiga Awdheegle.

Wararka waxa ay intaa  ku darayaan in laba Gantaal oo ay diyaaradaha Mareykanka rideen ay ku kala dhaceen Xaafadda Caanoole ee degmada awdheegle iyo Suuqa degmadaas. khasaaraha ka dhashay wali lama sheegin

Kooxda Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha Internet-ka ee ay ku baahiyaan barabagaandada waxa ay ku sheegeen inay fashiliyeen weerar ay Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Baangaraafta  ku qaadeen degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here