Kulanka Golaha Aqalka Sare iyo arrimaha looga hadlayo

0
37

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ayaa kulan xasaasi ah ku yeelanaya xaruntooda iyagoo aad uga hadli doonaan qodobo hor yaalla golaha.

Waxaa la filayaa in mudanayaasha ay meel mariyaan Hindisaha Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka Musuq-maasuqa ee Madaxa-banaan sharcigaas oo Xubnaha horyaalla.

Muhiimadda meel marinta sharciga la-dagaalanka musuq maasuqa uu dalka u lee yahay waxaa horay goalaha ugu sheegay Xasan Xuseen Xaaji Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka  ka dib kulankii ugu dambeeyay ee Aqalka Sare ayuu sheegay in aan la dhisi Karin Guddiga la-dagaalanka musuq maasuqa ilaa laga ansixiyo Sharciga Dhismaha Guddiga.

Waxey horay u soo  bandhigeen qodobo u baahan in wax laga bedelo Guddoonka Golaha iyo qaar ka mid ah Golaha cidda awoodda u leh magacaabista iyo ansixinta Guddigaas.

In kastoo ay howlo kala duwan hor yaallaan hadana maanta ayaa laga filayaa in Aqalka Sare uu meel mariyo Hindisaha Sharciga Dhismaha Guddiga Ladagaalanka musuq maasuqa si loo dhiso Guddiga la-dagaalanka musuqa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here