Xalane oo laga joojiyay Soomaalidii u shaqo tegi jirtay

0
114

Sida ay baahisay idaacadda dalsan, Boqolaal Shaqaale Soomaali ah oo u shaqeeya Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo Shirkadaha Caalamiga ee saldhiggoodu yahay  Xarunta Xalane ayaa laga joojiyey inay u shaqo tagaan Xalane.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in diidmadu ay salka ku hayso cabsi dhanka ammaanka ah oo ka jirta Xalane

Sabdidii lasoo dhaafay ayaa dhammaana shaqaalaha lagu wargeliyay in ay xaafadahooda iska joogaan inta dib loogu yeerayo inkasta oo uusan jirin qoraal si rasmi ah loogu wargelinayo.

Shaqaalaha Soomaalida ee uu saameeyey amarkaasi ayaa waxay isugu jiraan Turjumaano, Cunto-kariyayaal, Shaqaalaha Dhismaha iyo Ganacsato mehrado ku dhex leh gudaha Xalane.

Dhankale kale, dhamaan Shaqaalaha Soomaalida ee u shaqeyn jirey Hay’dda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Barnaamijyadda Horumarinta ee UNDP waxaa lagu wada amray inay guryahooda iska joogaan, isla markaana loo yeeri doono marka la qaado Amarka looga mamnuucay inay soo shaqo tagaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here