Hir-shabeelle oo Ciidan u diraysa Beelo ku dagaallamay Tuulooyin hoos taga Degmada Jowhar

0
64

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-shabeelle ayaa sheegaya in Maamulku uu qorsheynayo sidii uu ciidan kala dhex gala ugu diri lahaa Deegaankaas tuulooyinka Maandheere iyo koongo ee Degmada Jowhar oo ay ka taagantahay xiisad ka dhalatay dagaal shalay galab ka dhacay.

Maamulka Hir-shabeelle ayaa doonaya in ciidanku ay si dhaqsa ah u kala dhex galaan dhinacyada dagaallamaya oo isku haysta dhul daaqsin ah.

Maleeshiyaad labada dhinac ka tirsan oo shalay dagaal dhex maray ayaa sababay dhimashada 2 qof oo kamid ahaa dhinacyadii dagaalamay iyo dhaawaca labo kale.

Dadka deegaanka ayaa qaarkood xalay isaga cararay Tuulooyinka Maandheere iyo Koongo si aan Colaadda labada dhinac u saameyn.

Dagaal beeleedyada u dhaxeeyo maleeshiyaadka Xoolo dhaqatada iyo Beeraleyda ah ayaa kusoo noq noqday Tuulooyinka Hoos taga Degmada Jowhar, waxyeelada ugu badan waxa ay gaartaa dadka shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here