Dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa oo laga digay

0
62

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xasan xuseen Xaaji ayaa ka digay dhismaha Guddiga la dagaalanka Musuq maasuqa xilli aan wali la ansixin Sharciga la dagaalanka Musuq maasuqa.

Waxa uu sheegay in marka hore loo baahan yahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyaan Sharciga la dagaalanka Musuqmaasuqa, waxaana intaasi ka dib saxiixi doona Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in faafinta rasmiga ah markii lasoo saaro ka dib la dhisi doono guddiga la dagaalanka Musuq Maasuqa.

Waxaa uu ka digay in Dhismaha Guddiga xilli sharciga aan la marsiin Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegeysay bilihii lasoo dhaafay in si deg deg ah loo dhisi doono guddiga la dagaalanka musuq maasuqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here