Somaliland oo xiriir ganacsi la xiraneysa Kenya 

0
57

Nairobi kulan ka dhacay oo ay ka qeyb galeen xubno ka tirsan Guddiga Sare ee horumarinta Ganacsiga ee Kenya ayaa looga hadlay sidii Somaliland iyo Kenya ay u yeelan lahaayeen xiriir Ganacsi oo wanaagsan.

Yaasiin Mohammed xiir  Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah oo ka qeyb galay kulanka ayaa sheegay in waddanku uu xiiseynayo in uu albaabada u furo maalgashadayaasha ajnabiga ah ee doonaya in aysan kaliya ganacsiga la wadaagin Somaliland balse sidoo abuuraya fursado ganacsi iyo fursado shaqooyin.

Yaasiin xiir  ayaa yiri“Kenya iyo Somaliland waxa ay wadaagaan waxyaalo badan, Waxaan leenahay taariikh soo jireyn ah oo  u baahan in la kobciyo si loo xoojiyo dadkeenna iyada oo loo marayo ganacsiga iyo maalgashiga, “

James Mureu Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kenya ayaa sheegay in Kenya ay dadaal badan ay ku bixin doonto uu sidii iskaashi ganacsi ula dhexmari lahaa Somaliland.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here