Cariirigii ka jiray Jiirada Zoobe oo Xal loo helay

0
110

Jiirada Zoobe oo magaalada Muqdisho ayaa waayihii dambe waxa uu kamid ahaa goobaha ugu mashquulka badan caasimadda, arrintaas oo sabab u noqon jirtay in isu socdka magaaladu uu xumaado.

Dawladda hoose oo Xamar oo ka fakaraysa qaabkii looga bixi lahaa cariiriga maalinlaha ah ayaa dhaxgaan ku xiray qaybtii laga jiirayn jiray ee u dhexeysa labada qayb ee gelidda iyo bixidda ee wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho, si ay meesha uga baxaan gaadiidkii halkaasi ka kala wareegi jiray ee cariiriga horseedayay.

Gaadiidkii la leexan jiray jiirada Zoobe ee u jeeday dhanka Buulaxuubay ayaa ka leexan doona illinka wasaaradda arrimaha dibada ama wasaaradda tacliinta sare, iyada oo sidoo kale gaadiidka ka imaanaya Buulaxuubay ee doonayay in ay u leexdaan dhana Isgoyska Banaadir ay marka hore usoo jiirayn doonaan dhanka KM4 si ay wadada qaybta bixidda uga dhacaan goob munaasab ah.

Dhagaxda meesha lagu xiray ayaa sidoo kale badbaado u ah Taallada loo dhisay in lagu xasuusto dadkii Zoobe lagu xasuuqay October 14, 2017 taas oo ay dhibaata badan ku hayeen gaadiidka isticmaala wadada.

Muqdisho ayaa waxaa kusoo badanaya gaadiidka raaxada iyo mootooyinka dadwaynuhu kiraystaan ee Bajaajta, iyada oo ay dhanka kale jirto gaabin ka imaanaysa ciidanka ilaalada wadooyinka oo waajibaadkii waddooyinka ka saarnaa u qaban sidii la doonayay.

Dadka qaar ayaa u arka dhagxaanta waddada lagu xiray xal kumeel gaar ah, hase yeeyee aysan ahayn hannaankii ugu habboonaa ee hannaanka hagaajinta isu-scodocka waddooyinka ay ku xirantahay dhismaha ciidanka ilaalada waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here