Ruux Ka Mid Ah Dadkii Soo Maleegay Weerarkii Hotel Saxafi Oo La Qabtay

0
65

Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegatay in ay gacanta ku dhigtay qof ka mid ah dadkii  diyaariyay weerarkii Hotel Saxafi ee dhacay 9kii Bishan November.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Twitter-ka NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkasi lagu soo qabtay uu ahaa mid taxadar leh loo fuliyay.

NISA ayaa sheegtay in qofkaasi la hor geynaayo hay’adaha garsoorka dalka si sharciga loo mariyo.

“Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamid ah maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar. Waxaana la horgayn doonaa sharciga”.

Sirdoonka Soomaaliya ma aysan bixin macluumaad intaan ka badan oo la xiriira soo qabashada ruuxan ay sheegeen in uu qeyb ka ahaa dadkii soo abaabulay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi ee Muqidsho.

Horraantii bishaan ayay aheyd markii dhowr jiho qaraxyo looga weeraray Hotelkaasi dabley hubeysan oo isku dayda in ay gudaha ugaalana waxaa sheegtay in ay ka hor tageen ciidamada Booliska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here